Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ahlusunna wal-jameeca ee Gobollada Dhexe, ayaa iska fogeysay wararka sheegaya in maamulka uu is hortaag ku sameeyay Siyaasiyiin ka soo jeeda Galgaduud.
Mursal Sheekh Max’ed Xeefow oo ah Afhayeenka Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna oo la hadlaayay Saxaafada ayaa sheegay in warbaahinta ay ka maqleen in Ahlusunna ay is hortaag ku sameysay Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Galgaduud, waxa uuna arrinkaasi ku sheegay mid been abuur ah.
Afhayeenka waxa uu sheegay in aanu Ahlusunna waxaasi ka suuroobin islamarkaana wararkaasi ay yihiin kuwo laga faafiyay oo aan xaqiiqda ka turjumeynin.
Waxa uu tilmaamay inaysan jirin wax lagu soo war geliyay maamulka, islamarkaana aysana ka war qabin wax siyaasiyiin ah ee ku soo wajahnaa Gobolka Galgaduud loona diiday inay soo galaan gudaha magaalada.
Mursal Sheekh Max’ed, waxa uu tilmaamay kaliya inay u baahan yihiin in cida dooneysa in goobaha ay gacanta ku hayaan soo booqato ay marka hore soo wargaliyaan, balse haddii ay dhacdo in si lama filaan ah ay kusoo safraan ay suuragal noqon karto inay la kulmaan caqabad, taasina looga gudbi karo in lasoo wargaliyo.
Waxa uu sidoo kale sheegay in maamulka Gobollada Dhexe dadka dulmin, hayeeshee loo baahan yahay in Mas’uuliyiintu marka hore ay fasax ka heystaan maamulka, si looga warqabo amaanka Mas’uuliyiinta ama shaqsiga mas’uulka ah.
Haddalka Afhayeenka ayaa imaanaya xili warbaahinta magaalada Muqdisho, ay baahisay in Ahlusunna ay is hortaagtay socdaal uu Axmed Cabdisalaan ku gaari lahaa deegaanada maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

