Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in wakhti danbe oo maanta uu General Gebra gaaray magaalada Istanbuul ee cariga Dalka Turkiga, halkaasi oo uu uga qeybgalaayay shirka.
Warar aan ka helnay ilo diblumaasiyiin ka tirsan Dowlada ayaa goordhow inoo xaqiijiyay in General Gebra loo fasaxay inuu ka qeybgalo shirka Madaxda Soomaalida uga socdo Istanbuul, kadib markii ay wada hadleen Wasaaradaha arrimaha dibadda labada dal.
General Gebra oo markii hore ay Dowlada Turkiga ka mamnuucday in Fiiso uu ka qaato Magaalada Muqdisho, ayaa wada hadal kadib loo ogolaaday in Fiisaha laga siiyo Safaarada Turkida ee ku taalla magaalada Addis ababa.
Shuruuda ay Dowlada Turkiga ku bixisay Fiisaha ayaa la sheegayaa inay kamid tahay in mudada uu shirka socdo uusan faragalin ku sameyn karin Siyaasada Somalia, balse kaliya uu noqon karo goobjoog.
Dowlada Turkiga ayaa ka didsan qaska iyo faragalinta uu Soomaalida ka dhex wado General Gebra, waxa ayna cabsi saa’id ah ka qabtay in wakhtiga uu shirka socdo uu tashkiiliyo Xubnaha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ka jooga Shirka.
Dhanka kale, Dowlada Ethiopia ayaa dusha laga saaray mas’uuliyada baaqashada Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo laga sugaayay magaalada Addis ababa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

