Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu caalamka u sheego been ku saabsan beesha Sade.
Xildhibaanka wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu caalamka kaga sheekeeyay in Beesha SADDE ku qanci karaaan kaliya inuu u baneeyo kursiga madaxweynenimada taasina aysan macquul aheyn.
Shirka uu ka furay magaalada Kismaayo ayuu sheegay inuu yahay mid xubnaha SADDE ee ka qeyb galaya uu ku amray ineysan ka hadlay waxyeeladii loo geystay dhalinyarada beesha SADDE kuwaasi oo lagu dilay magaalada Kismaayo, qaarkoodna meydadkooda xeebta laga soo qaadi jiray.
“Axmed Madoobe wuxuu caalamka u sheegaa in beesha SADDE ku qanci karto kaliya inuu kursiga baneeyo, taas waa been uu beesha ka sameeyo mar walbaa, wuxuu dafirayaa dilalkii iyo boobkii beesha u geystay ee ka dhacay Kismaayo”ayuu yiri Xildhibaan Magan.
Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn sheegay iney soo jeedinayaan in shirka Kismaayo isaga tagaan xubnaha beesha ee ka qeyb galaya.
Axmed Madoobe ayaa dhawaan Kismaayo ka furmay shir uu sheegay in lagu hishiisiinayo beesha SADDE iyo maamulka Jubbaland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]