Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan saaka ka heleyno magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi lagu arkay meydadka dad la gowracay.
Dadka surka laga jaray oo ka kooban 2 ruux, ayaa waxaa meydkooda laga helay Duleedka Magaalada Baladweyne.
Labada nin ayaa waxaa lasoo warinayaa in si gaar ah loogu gowracay degaanka Xujuub ee Duleedka Magaalada Baladweyne, waxaana sidoo kale la garaneynin sababta ka danbeysay in labadaasi ruux si wada jir ah loo gowraco.
Dadyowga ku dhaqan deegaanka ayaa Saakay kusoo indha furtay buuqa ka taagan goobta labadaasi ruux lagu gowracay, waxa ayna dadku yihiin kuwa aad u walaacsan.
Gowraca dadkaani ayaa imaanaya iyadoo maalmihii ugu danbeeyay uu Degaanka Xujuub ee Duleedka magaalada Baladweyne ka taagnaa xiisad u dhexeysa laba beel oo wada degta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]