25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

R/W CCC oo fadeexeeyey Gaas iyo PUNTLAND

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dareen shaki leh ka dhashay wareysi uu Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali bixiyay shirka Istanbuul kadib kaasi oo uu siiyay Telefashinada.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa wareysigiisa ku sheegay in Puntland shirka ka maqnayn oo ay usoo dirsatay wasiir iyo Mas’uuliyiin kale, waxa uuna Sharmaarke cadeeyay in Madaxweyne C/wali Gaas ay kusoo baxeen howlo lama dhaafan ah balse uu xiriir lasoo sameeyay DFS una cudur daartay isaga oo soo dirsaday xubno kale.

Sharmaarke waxa uu sheegay in C/wali Gaas ay ka aqbaleen cudurdaarka, balse booskiisa uu ahaa mid aan marneyn oo la buuxiyay.

Kashifaada Sharmaarke ka sokow waxaa dadka reer Puntland ay aad uga argagaxeen hadalka Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Puntland uu ku hadlay isagoo markii la waydiiyey sababta uu Madaxweyne Gaas uga baaqday Shirka sheegay in C/wali ay kusoo baxeen howlo kale sidaa aawgeedna aan la orankarin shirka ayuu ka baaqday.

Wasiirka oo la weydiiyay su’aal ah Puntland ma qaadacday Shirka waxa uu ku jawaabay Wasiirku ”Qaadacaad macno kale ayey samayn kartaa waa eray meelo kale taabankara”

Wasiirku wuxuu si cad banaanka usoo dhigay in heshiis qarsoodi ah uu ka dhexeeyo Madaxweyne Xasan iyo C/wali Gaas, waxa ayna arrintaani shaki baaxad leh galisay shacabka Puntland oo idaacadaha maxaliga ah ka dhaliilay C/wali Gaas iyada oo tixraacaya sirta uu Ra’isul wasaare Cumar sheegay iyo hadalka Wasiirka oo muujinaaya inay jiraan wax badan oo u qarsoon Gaas.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan qaadacay nidaamka 4.5, oo sida wada jirka ah ay qalinka ugu duugen DFS iyo Beesha Caalamka, islamarkaana shirka Istanbuul lagu taageeray nidaamkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News