Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo uu kusoo dhamaaday shirka looga hadlayay siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah, iyadoo uu ka qeyb galay General Gabra oo si weyn SOomaalida ugu taqaan hagardaamada ummada Soomaaliyeed.
Muuqaal qarsoodi ah oo Caasimada Online ay heshay ayaa muujinaya wada sheekeysi dhexmaraya Generaal Gabra iyo Faarax C/qaadir oo la aaminsan yahay iney saaxiibo dhow yihiin, marka loo eego arimaha siyaasada Soomaaliya.
Muuqaalka ayaa waxaa sidoo kale laga dareemayaa iney si wanaagsan u kala war dhuuxayaan una dardaarmayaan Faarax C/qaadir iyo Generaal Gabra.
Shirka magaalada Istanbul ayaa markii hore loo diiday inu ka qeyb galo Generaal Gabra, balse sharuudo lagu xiray darteed ayuu shirka kaga qeyb galay.
Hoos ka daawo muuqaalka Caasimada Online ay heshay