26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawiro: Askarta NISA oo aas qaran loo sameyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Askar ka tirsan ciidamada NISA ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhamaantood ku dhintay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ku dhawaad afar kamid ah ciidamada NISA ayaa ku dhintay qaraxii koowaad ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay guud ahaan caasimada Soomaaliya.

Qaraxaasi oo loo adeegsaday gaari nooca Soomaalida u taqaan Dheynada ayaa waxaa la sheegay inuu agaa midkii ugu xooganaa ee ka dhaca dalka Soomaaliya, wuxuuse sababay qasaaro aan badneyn marka loo eego qasaaraha ay geysan jireen qaraxyada xoogan.

Afarta askarta NISA ka tirsan ayaa waxay ku dhinteen markii sida la sheegay  qaraxa uu dhacay oo kooxo hubeysan ay doonayeen iney gudaha hotelka galaan, waxaase ka hortagay afarta askarta ka mid ah ee ku dhintay weerarkii xalay.

Saraakiil ka tirsan dowlada Soomaaliya, laamaha amaanka iyo booliska gobolka ayaa ka qeyb galay aaska qaran ee loo sameeyay askarta NISA ka tirsanaa.
1

2

3

4

5

6
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News