Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan gaar ah oo ay yeesheen gudoomiyaasha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo madaxweynaha Soommaaliya oo socday muddo ka badan 2 saac ayaa waxaa lagu gaaray hishiis gaar ah oo ku saabsan maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Kulankaasi ayaa waxaa muddo saacado kadib ay seddexdaasi isla garteen in dib loo bilaabo shirarka maamulka loogu sameynayo maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in hishiiska ay gaareen seddexda masuul ahaa in maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe dhismihiisa looga dambeeyo gudoomiyaasha labada gobol.
Sidoo kale gudoomiye Daba-geed ayaa sheegay in shirkaasi laga soo saaray in dadka ka cabanayay dhismaha maamulkaasi lagu qanciyo dhamaan tabashooyinka ay qabaan, dowlada Soomaaliyana ay dusha uun kala socoto dhismaha maamulkaasi.
Hishiiska seddexda masuul dhexmaray ayaa kusoo aaday iyadoo muddo labo bil ku dhow uu hakad ku jiro dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Dowlada Soomaaliya ayaa waday qorshe madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu kaga qeyb gali lahaa shirka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, laakiin ma aysan dhicin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

