27.7 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Gudoomiyaasha degmoyinka Banadir oo xabsi…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay sida lagu xaqiijin karo amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xiddig, ayaa sheegay in gudoomiyaha aan ogaan oo aan la socon dadka ku soo kordha degmada uu guddoomiyaha ka yahay,uu isaga noqon doono qofka ugu horreeya ee la xirayo.

C/rashiid Xidig,waxaa uu sheegay in Barnaamijka Deriseynta ee  uu wado Gobolka Banaadir uu yahay mid wanaagsan kana qeyb qaadanaya sugidda amniga Caasimadda.

Waxaana uu guddoomiyayaasha u soo jeediyay in ay diiwaan geliyaan Ganacsiga,iyo waxyaabaha kale ee aas aasiga u ah amniga,islamarkaana Maamulka Degmada uu ka warqabo Qofka ku soo kordhaya degmadiisa.

Sidoo kale wuxuu sheegay in gudoomiye kasta lagula xisaabtami doono qarax ama falal amni daro ah oo ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir, isaga oo digniin adag siiyay gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Xalay ayaa kulan ay yeesheen saraakiisha amaanka iyo hogaanka ugu sareeyo dalka waxay ku taageereen go’aankii dhawaan maamulka gobolka Banaadir loogu wareejiyay amaanka caasimada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News