28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Xog: Halkee la dhigay dhaawaca madaxweyne?!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee kasoo baxaaya dagaalkii u dhexeeyay maleeshiyaadka Ahlusuna iyo Ciidamo daacad u ah Liibaan Madaxweyne oo dhawaan ka baxsaday Wasaarada Gaashaandhiga ee Dowlada Somalia.

Wararkii ugu danbeeyay ee kasoo baxaaya dagaalka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Ahlusuna ay gacanta ku dhigeen Liibaan Madaxweyne iyo Shan Sargaal oo ku xigeeno iyo caawiyayaal u ahaa.

Ahlusunada Gobollada dhexe, ayaa goordhow xaqiijisay inay qabteen Liibaan Madaxweyne iyo Saraakiishaasi xili saacado ka hor ay qarinayeen xaqiijintiisa.

Liibaan Madaxweyne iyo Saraakiisha lala qabtay ayaa gacanta galay kadib markii lagu go’doomiyay dhismo ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale, Ahlusunada Gobollada dhexe waxa ay xaqiijisay in Liibaan uu iminka yahay dhaawac fudud islamarkaana lagu dabiibaayo Isbitaal iyaga u gaar ah, xaaladiisuna uu yahay mid wanaagsan, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhaawaca Liibaan ayaa waxaa sidoo kale iminka la dhigay Isbitaal ku yaalla Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Dhanka kale, Liibaan Madaxweyne ayaa markii ugu danbeysay ahaa baxsad ay Dowlada Somalia baadigoob ugu jirtay waxa uuna baxsashadiisa kadib isku dhiibay Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ee iminka ay is galeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News