Muqdisho (Caasimada Online) – Tobaneeyo Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu waxbadan ka ogyahay sababta ay Hay’adaha amaanka u dayacaan amaanka magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada oo siyaabo kala duwan ula hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha dalka uu iska indha tiraayo xaqiiqda jirta, waxa ayna sheegen in mar waliba ay si guud iyo si gaarba kala hadlaan arrinta amniga balse uusan dhag jalaq usiin.
Waxa ay sheegen in kulankii ugu danbeeyay ay u sharaxeen qodobada ugu wacan fashilka amaanka, balse uu hadalkiisa kusoo kooban in amaanka xooga uu saari doono.
Waxa ay shaki galiyeen in Ra’isul wasaaraha dalka uu yahay mid u diir naxa Shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo farta ku goday in Sharmaarke uu u baahan yahay in lagu sameeyo baaritaan.
Cilada ugu badan ee dhanka amaanka ka taagan ayay sheegen inay sabab u tahay Madaxtooyada Somalia, balse aysan diyaar u aheyn inay wax muuqda ka qabato dhibaatada kusii kordheyso magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa sheegay in loo baahan yahay wax ka qabashada Amaanka dalka gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
“Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda waxaa uu noo sheegay Arrimo Muhiim ah oo haddii la fuliyo si badal keeni kara,waxaan ka dalbaneynaa in hadaladii Baarlamaanka uu ka hor jeediyay uu ficil u badalo oo aysan noqon wax afka un laga sheegay”
Geesta kale, awood sheegashada BFS ayaa kusoo biyo shubaneysa in xil ka qaadis lagu sameeyo Wasiirka amniga gudaha iyo Taliyaha Nabadsugida Qaranka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

