Muqdisho (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan laga maqlay degmada Baardheere ee gobolkaasi.
Qaraxyada ayaa la sheegayaa iney ka badan yihiin 4 qarax, kuwaasi oo marar is xig xigay laga maqlay magaalada Baardheere ee gobolka Geddo.
Waxaaa mar qura is badashay xaalada degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo ciidamada amaanka ay baaritaano ka bilaabeen magaalada.
Khasaaro ayaa lagu soo waramayaa iney sababeen qaraxyada ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Lama hayo faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan qaraxyadaasi.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

