29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

DIINI oo wada qorshe SADE aysan jecleysan.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa ka waddo magaalada Kismaayo kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo beesha uu kasoo jeedo wasiirka.

Wasiirka Diini ayaa magaalada Kismaayo waxuu kulamo kula qaadanayaa Odayaal iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo, kuwaasi oo uu ka dhaadhicinayo in ay ka qeyb galaan shir dib u heshiisiineed oo ka socda Magaalada Kismaayo.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa doonaya in xubnaha odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda beeshiisa uu ku qanciyo iney la saftaan madaxweyne Axmed Madoobe, ayna taageeraan maamulkiisa, sida ilo xog ogaal ah inoo sheegeen.

Odayaashan ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa dhaliilsan hanaanka uu ku socda Shirka Dib u heshiisiinta ee la isugu keenyo Beelaha degga Gobolada Jubbooyinka.

Wasiirka Gaashaandhiiga oo todobaadkii la soo dhaafay gaaray Magaalada ayaa haatan waxuu ku qancinayaan Odayaashaasi ka qeyb galka Shirka ka socda Xarunta Gobolka Juabada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News