26 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

UK: Somali dhunkaday gabar oo lagu xukumay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ali Abdullaahi oo 35 jir ayaa la soo taagay Maxkamadda Exeter Crown Court, kadib, markii lagu soo oogay inuu labo haween ku xad-gudbay, xilli uu saarnaa Tareen ku sii jeeday Degmadda Devon ee dalka UK.

Eedeysanaha oo Ilaaliye dhinaca Ammaanka ahaa ayaa lagu soo oogay inuu gabar 15-jir ku dhunkaday barxadda Bosteejadda Tareenka, isla markaana uu haweeney kale ku dhex taabtay gudaha Tareenka.

Garsoore Graham Cottle oo dacwadaasi qaadayey waxa uu amray in Eedeysanaha ka qeyb galo Seminaar lagu daaweeyo Dadka uu dareenkooda u nugul yahay La-haasaawida Haweenka.

“Waxaad u baahan tahay inaad barato sida loola dhaqmo gabdhaha yaryar iyo Barnaamij kaa caawin doona si aadan ugu degdegin” ayuu yiri Garsooraha oo intaasi ku daray inuu Tababarkaasi qeyb ka qeyb ka yahay Ilaalayn uu ku hayn doono Eedeysanaha muddo 3 sannadood.

Dhinaca kale, Qareen Adrian Chaplin ayaa sheegay in loo bahaan yahay inuusan Eedeysanaha mar kale ku hodmin Dembiyadda lagu soo oogay.

Eedeysanaha waxa uu dalka Britain tegay sannadkii 2011-kii.

ISHA D.R & exeterexpressandecho

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News