27 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo caddeeyay waxa uu Gen. Gabre ka mudanyahay DF Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa si ay daciifnimo ku jirto uga hadlay kaalinta Gen. Gebra uu ku leeyahay nabadeynta Somalia.

Xassan Sheekh oo u jan-jeera dhanka Ethiopia ayaa sheegay in Gebra baryihii danbe uu afka ku badanyahay, waxa uuna tilmaamay in shaqsi ahaantiisa uu miisaan muuqda u leeyahay DFS, marka loo eego dhanka amaanka.

Waxa uu waxkama jiraan ka dhigay wararka sheegaya in Gebra uu cadow ku yahay Somalia, waxa uuna taasi badalkeeda ku sheegay in Somalia uu u yahay nabadeeye.

Sidoo kale, waxa uu ka digay in gaf loo geysto shaqsiyaadka kasoo jeeda Dowladaha dariska la ah Somalia ee howlaha Nabadeeneyd u jooga dalka Somalia.

Gen. Gebra ayaa Dowladiisa Ethiopia u qaabilsan kala geynta Siyaasiyiinta iyo Beelaha Soomaaliyeed, isaga oo qorshihiisu yahay in Somalia aysan ka talaabsan halka ay iminka taagan tahay.

Geesta kale, Dowlada Somalia ee iminka uu Hogaaminaayo Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ka liidata Dowladihii soo maray dalka tan iyo markii uu dhacay burburka, waxa ayna dalka usoo hogaamisay Jawaasiis ka kala socta Ethiopia oo ku adeeganaaya Siyaasiyiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News