Muqdisho (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaaya Qaraxii maanta ka dhacay Afaafka hore Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baledweyne, iyadoo Saraakiisha ammaanka ay sheegen in Qaraxaasi uu ahaa mid lala maaganaa in laga dhex fuliyo Diyaarad qaadi laheyd Rakaab ku sugnaa Garoonka.
Taliyaha Saldhiga Degmada Baledweyne Col. Cali Dhuux Mahad Alle, oo goordhow la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in Qaraxaasi loo isticmaalay Labtop lagu soo dhex diyaariyay waxyaabaha qarxa oo lagu doonaayay in lagu dhibaateeyo shacab doonaayay inay raacaan Diyaarad ka timid Magaalada Muqdisho.
Col. Cali Dhuux Mahad Alle, wuxuu sheegay Qaraxaasi in la soo saaray Gaariga baska ee lagu soo qaadoo dadka doonaaya inay raacaan Diyaaradaha Garoonka ka dhoofa.
Waxa uu sheegay in Labtop-ka Qaraxa lagu diyaariyay uusan aheyn mid lagu dhex abaabulay magaalada Beledweyne waxa uuna tilmaamay in Qaraxaasi uu ahaa mid laga keenay Gobolada kale ee dalka.
Labtop-ka Qaraxa lagu soo diyaariyay ayaa sidoo kale la sheegay inuu ahaa mid cusub oo noociisu yahay Toshiba, kaasi oo loogu tallo galay in lagu soo afjaro howsha garoonka ka soctay.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sidoo kale, Qaraxaasi u qabtay dad farabadan oo markii danbe ay kala baxeen 3 ruux.
Laba kamid ah dadka la qabtay ayaa waxaa la sheegay inay hagayeen Qaraxa, waxaana iminka lagu wareejiyay Ciidamada Jabouti ee qeybta ka ah AMISOM.
Baaritaanka oo wali socda ayaa waxaa ka qeybqaadanaaya Saraakiisha Ciidamada Jabouti iyo Eeyo si aad u tababaran.
Maamulka Hiiraan ayaan wali si toos ah uga hadal Qaraxa, markii laga reebo Saraakiisha amaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

