Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali isa soo taraayo warbixinada la xiriira Qaraxii loo adeegsaday Laptop-ka Bar-koontarool oo ku taalla afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha Beledweyne ee Ugaas Khaliif.
Macluumaad ay shabakada Caasimada Online ka heshay Saraakiisha laamaha amaanka ee Garoonka, ayaa sheegay in Qaraxaasi lagu soo diyaariyay guri ku yaalla degmada Buulobarde ee Gobolka Hiiraan.
Diyaarinta Qaraxa ayaa waxaa lasoo warinayaa inay kaalin ka qaaten 3 kamid ah shaqaalaha Garoonka oo midkood uu ahaa shaqsiga leh Laptop-ka.
Qaraxa ayaa diyaarintiisa kadib waxaa fududeeyay mid kamid ah Askarta Booliska ee ka howlgasha afafka hore ee Garoonka, oo fududeyntaasi ku qaatay dhaqaale adag.
Saraakiisha Ciidamada Jabouti oo gacanta ku dhigay mid kamid ah Mobilada ay wateen ragga weerarka fuliyay ayaa waxaa laga helay cod ay kuwada hadlayeen Fuliyaha weerarka iyo mid kamid ah ilaalada Garoonka oo ninkaasi hagaayay.
Waxaa hadda socda dhageysi lagu hayo Teleefoonada gacanta lagu hayo, waxaana weerarkaasi iminka loo hayaa ilaa 5 ruux oo ay ku jiraan ragga aan kor kusoo dheegnay.






