Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan waqooyiga Ameeriga ayaa sheegay in shacabka Puntland ay xiligaani yihiin kuwo faqiiro ah oo aan ku jirin hal qoys oo lagu tilmaamikaro hantiile.
Gaas waxa uu sheegay in shacabka Puntland ay aad uga liitaan kuwa kale, waxa uuna carab dhabay in shacabka Puntland ay xilligani isagu soo hareen kuwa fuquro ah oo an waxbo heysan iyo dad aan aqoon lahayn.
Madaxweyne Gaas, waxa uu tilmaamay in shacabka ay u baahan yihiin inay helaan dhaqaalo farabadan oo loogu abuuro shaqooyin, waxa uuna carab dhabay in kuwa aan aqoonta laheyn ay halis ku yihiin horusocodka Puntland, halka kuwa fuqurada ahna ay kaga baahan yihiin dhaqaale u abuuris.
Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa waxaa kamid ahaa ”Puntland waa laga soo tagay, dadkii aqoonta lahaa way isaga soo tageen, kii dhaqaalaha lahaa wuu ka soo tagay,qofkii baxsan lahaa wuu isaga soo tagay,”
Waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay “Waxaa isagu soo haray intii faqriga ahayd,intan waxba heysan iyo intii aan aqoonta lahayn,”
Boqolaal shacab ah ayaa hadalka Madaxweyne C/wali Gaas kusoo daabacay baraha Bulshada iyaga oo ku kala jabay hadalkaasi, qaarkood ayaa sheegay in Gaas uu erayo xun u isticmaalay shacabka, halka qaarna ay sheegen inuusan ku kicin gaf, balse uu isticmaalaayay tusaalooyin.
Nuqul kamid ah qoraalada ay shacabka Puntland hadalka C/wali Gaas uga jawaabayeen ayaa ahaa “Waa hadal dhaawacaya bulshada Puntland,mana mudna shacabka ku nool gudaha dalka in lugu tilmaamo kuwo hooseya oo an waxbo heysan haddana an cilmi lahayn,”.
Dhanka kale, hadalka C/wali Gaas ayaa u muuqday mid lagu beer laxawsanaayay Hantiilayaasha iyo qurba-joogta reer Puntland ee ku sugan wadamada kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

