24.2 C
Mogadishu
Tuesday, February 10, 2026

Mareykanka oo xog ka helay hubkii Somalia loo..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya hub lagu qabtay xeebaha dalka Cumaan oo kusoo socday xeebaha dalka Soomaaliyam inkastoo aan si rasmi ah loo sheegin halka loo waday.

Saraakiil u hadashay ciidamada badda Mareykanka ayaa ka hadlay ayaa sheegay in hubkaasi laga keenay dalka Iran ayna cadeen u tahay shaqaalaha doonida oo la ogaaday iney u dhashay dalka Iran.

Saraakiisha oo wareysi siiyay TV ku yaala Mareykanka oo lagu magacaabo NBC ayaa sheegay in hubka aad looga shakisan yahay in dalka Iran laga keenay.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in hubkaasi uu kusoo wajahnaa dalka Soomaaliya, balse ma aysan cadeyn cidda sida rasmiga loogu waday hubka.

Hubka la qabtay ayaa ka   koobnaa 1989 qori oo Ak-47 ah, 100 gantaalada gacanta laga gano ah, 49 PKM oo Russian ah,iyo ku dhawaad 60 hoobiye ah.

Ciidamada badda Mareykanka ayaa markii hore sheegay in doonida ay u socotay kooxaha xuutiyiinta dalka yemen, balse markii dambe ayay sheegeen iney xaqiiqo tahay in hubka  kusoo wajahnaa xeebaha dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News