Gaalkacyo (Caasimada Online)- Dagaal khasraao geystay ayaa dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug kaasi oo u dhaxeeyo maleeshiyaad kasoo kala jeeda deegaanada Galmudug iyo Puntland, waxaana ku dhintay ku dhawaad 5 ruux.
Dagaalka oo dhacay xili aroor hore ahaa ayaa sidoo kale ka dhacay xuduuda Soomaaliya iyo Ethiopia sida masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ay sheegeen.
Xubno ka tirsan maamulka Puntland ayaa si cad u sheegay ineysan u dulqaadan doonin daan daansiga iyo waxyeeleynta Galmudug ay ka waddo deegaanada maamulka Puntland.
Wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Cali Xersi Qarjab ayaa sheegay in maamulkooda uu ka warqabo in dad kasoo jeeda deegaanada Galmudug ay dad ku dileen duleedka degmada Saaxo ee gobolka Mudug.
Sidoo kale sheegay in marnaba maamulkooda uusan aqbaleynin in shacabka Puntland oo nabada jecel lagu soo duulaa, wuxuuna uga digay Galmudug iney sii huriso colaada ka taagan deegaanada gobolka Mudug.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

