Muqdisho (Caasimada Online):-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa wali walaac ka muujinaaya amni darida ka taagan magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia.
Ra’isul wasaare Cumar oo ku howlan la kulanka Taliyayaasha laamaha amniga ayaa waxa uu sheegay in Amniga magaalada Muqdisho uu yahay mid aan habayaraate xil gaar ah leyska saarin.
Sharmaarke waxa uu tilmaamay in iminka inta badan laamaha amniga ay yihiin kuwo u dhisan qaab qabiil, islamarkaana ay Taliyayaashu yihiin kuwo hal dhinac u badan.
Sharmaarke waxa uu qiray in Taliyayaasha iminka ku magacaaban Hay’adaha amniga aysan ehel u aheyn xaqiijinta amniga Muqdisho, islamarkaana aysan hanakarin xitaa haddii ay xilkaasi sii hayaan sanadaha hadda soo socda.
Taliyaha Nabadsugida Qaranka C/raxmaan Tuuryare ayuu sheegay inuusan maaro u heli karin amniga dalka, waxa uuna Cadeeyay in xilka Nabadsugida loo baahan yahay in loo dhiibo shaqsi howlkarnimo ay ka muuqato oo ugu yaraan lasoo shaqeeyay Dowladii dhexe ee Somalia soo martay.
Sidoo kale, Sharmaarke waxa uu sheegay in amni darida ka taagan Somalia, ay iminka xoogeeda uu noqday mid ka taagan magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay in amni darida ka taagan Muqdisho ay ka bixi doonto goortii ay Shacabka wada shaqeyn la sameeyan laamaha amaanka.
Dhanka kale, Sharmaarke ayaa ku baaqay in laamaha amniga ay dhexgal ku sameeyaan shacabka, si uu yiri loo helo amni buuxa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

