26.8 C
Mogadishu
Friday, May 29, 2026

Xog + Sawir: Biyo la’aan ka jirta xarumaha DFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online):-Tani waxa ay layaab ku noqotay Shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka ku ah agagaarka xarumaha Dowlada Federaalka, ka gadaal markii ay ishu qabatay Gaadiidka dameerka oo biyo loogu arooraayo Xarumaha Dowlada.

Duruuftaani ayaa waxa ay ku kooban tahay Xarumaha Dowlada, gaar ahaan wasaaradaha, goobaha ciidanka iyo guryaha ay dagan yihiin madaxda Qaranka.

Wakhtiyada qaar waxaa wasaaradaha ka jira biyo la’aan, waxa ayna Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowlada u biya doontaan guryaha jaarka la ah.

Waxaa jira Xarumo farabadan oo aan laheyn biyo, kadib markii Dowladu ay dayacday mas’uuliyadii ka saarneyd biyo galinta xarumaheeda.

Qaabka ay Dowlada u shaqeyso ayaa waxaad mooda inay ka duwan tahay qaababka kale ee adduunka looga shaqeeyo, waxa uuna mas’uul waliba ku dhiiranayaa sida uu jeebka u buuxsan lahaa hayeeshee waxa ay taasi soo dadajisay fashilka Dowlada.

Dhinaca kale, Madaxda Dowlada ayaan u jilicsaneyn inay hormariyaan howlaha looga baahan yahay, iyadoo ay xusid mudan tahay in mas’uul waliba uu ku taamayo in Somalia ay tahay dal laga hantiyo dhaqaale.
IMG_7179E9-542C8E-EDB1DC-94F981-2C30FC-89C8EA

Muqdisho

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News