26.8 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Wasiiro booqasho kadis ah ku tagay Garoonka Aadan Cadde (Maxaa cusub oo soo kordhay?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumada Somalia, ayaa bilowday dadaalo ay ugu kuurgaleyso la socodka amniga Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Tirro Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa maanta gaaray Garoonka Aadan Cadde, iyaga oo booqday xafiisyo dhowr ah si ay u xaqiijiyaan qaabka uu u socdo amniga iyo guud ahaan shaqooyinka looga baahan yahay Garoonka.

Kormeerka Wasiirada ayaa u badnaa Xafiisyada shaqada, waxaana la sheegayaa in kormeerkaasi uu ahaa mid aan horay loosii shaacin.

Maamulka Garoonka qaarkood ayaa ahaa kuwo ay howshooda ka muuqatay dayacnaan, halka Saraakiisha Ciidamada ku qoran garoonkana ay ahaayen kuwo ay habacsanaan ka muuqatay howshooda.

Maamulka Garoonka Diyaaradaha ayaa Wasiiradda Kormeerka sameeyay ugu warbixiyay Xaaladda Garoonka Muqdisho dhanka Amniga,iyagoo u sheegay in Garoonka Amnigiisa uu yahay mid wanaagsan oo Duulimaadyadii Caalamiga ahaa ay Toos u socdaan.

Geesta kale, Wasiirada ayaa mudada uu socday kormeerkooda diyaariyay warbixino ku saleysan socdaalkooda, waxa ayna warbixintaasi isugu jirtaa dhaliil iyo wanaag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News