London (Caasimada Online) – Aabe iyo hooyo Soomaaliyeed ayaa lagu xiray koofurta magaalada London ee dalka UK kadib markii ay soo baxeen tuhuno la xiriiro in mid kamid ah caruurtooda ay u wadeen meel ka baxsan dalka Ingiriiska.
Aabaha iyo hooyada Soomaaliyeed ayaa la xiray kadib markii looga shakiyay in mid kamid ah gabdhahooda ay u gudeen gudniinka fircooniga, sida booliska dalka UK ay sheegeen.
Haweenayda oo 49 sano jir ah ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London kadib markii ay ka laabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyada oo looga shakiyay in gabadheeda ay fircooni u guday.
Afhayeen u hadlay ciidamada booliska ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo in gabadha sideed sano jirka ah ee la safartay haweeneyda Soomaaliyeed in looga shakiyay gudniinka iyo in Kenya lagu guday.
Booliska ayaa horey digniin kaga soo saaray in caruurta dhigata iskuul ku yaala koofurta magaalada London loo gudo Gudniinka fircooniga, laakiin waxaa la aaminsan yahay in gabadhaasi loosoo waday Soomaaliya oo lagu guday.
Shakiga badan ayaa dhashay kadib markii gabadha la sheegay in muddo badan aysan xaadirin xisadaha iskuulka, waalidkana ay sheegeen iney dalxiis u geynayaan meel ka baxsan magaalada London.

