25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Xog: Wasiiro cusub oo Axmed Madobe soo wado

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay soo dhisida golaha wasiirada maamulkiisa, oo muddo badan oo bilooyin ah laga sugayay maadaama baarlamaanka aqbalaan codsiyo badan oo kaga yimid.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu doonayo inuu soo celiyo shaqsiyaad iminka kamid ah golaha wasiirada maamulkaasi, kuwaasi oo uu doonayo inuu isaga difaaco beelaha daga gobolada Jubbooyinka.

Macalin Maxamed Ibraahim  oo hadda ah wasiirka arimaha bulshada maamulka Jubbaland ayaa waxaa wararka ay sheegayaan in lala doonayo xilka wasiirka amniga maamulkaasi, maadaama uu taageero badan ka heysto beeshiisa.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxaa la filayaa inuu liiska wasiiradiisa kusoo daro xubno kamid ah beelaha Mucaaradsan gaar ahaan siyaasiyiinta ugu sareyso ee kasoo jeeda deegaanada Gedo.

Xubno kale oo kamid ah maamulka Jubbaland oo uu ugu horeeyo C/naasir seeraar ayaa doonaya xilka wasiirka arimaha bulshada maamulka Jubbaland, iyadoo ay jiraan dad kale oo xilkaasi u hanqal taagaya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News