Beledweyne (Caasimada Online)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana magaalada kusoo dhaweeyay maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada iyo odayaasha dhaqanka ee Hiiraan.
Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya iyo xubno kale oo dowlada ka tirsan ayaa maalmahaan ku sugnaa magaalada Beledweyne, waxayna kulamo la qaadanayeen waxgaradka Hiiraan, laakiin waxba iskuma aysan fahmin, sida odayaasha dhaqanka ay inoo sheegeen.
Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa u tagay magaalada Beledweyne inuu xaliyi dhamaan waxii tabashooyin ah ee jira oo ay qabaan odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan, kuwaasi oo mucaaradsan fikrada Odowaa.
Wararka ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ee Hiiraan ay xujooyin adag hordhigeen wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, waxaana ugu weyn iney helaan dhaqaalaha loogu talo galay odayaasha dhaqanka Hiiraan.
Ra’iisul wasaare Cumar ayaa laga sugayaa qancinta odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan kuwaasi oo isaga baxay shirkii magaalada Jowhar ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
[email protected]