Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa wali baqdin ka muujinaaya maleeshiyaad la sheegay inay ku dhex baxsadeen deegaanada uu dagaalka ka dhacay.
Saraakiisha maamulka ayaa sheegay inay jiraan maleeshiyaad kale oo ku dhexbaxsaday dadka reer miiga ah, waxaana lasoo sheegayaa in maleeshiyaadka baxsaday ay kor u dhaafayaan 20 maleeshiyo.
Maleeshiyaadka cabsida laga qabo ayaa waxaa ku jira kuwo ay rasaas haleeshay, waxa ayna Saraakiishu carab dhabeen in maleeshiyaadkaasi ay ku dhex noolyihiin bulshada islamarkaana ay leeyihiin khatartooda.
Maleeshiyaadka baxsaday ayaa sidoo kale wata hubkii ay ku dagaalamayeen, inkastoo dadka deegaanka la faray inay iska soo dhexsaaran maleeshiyaadkaasi oo aysan gabaadsiin.
Geesta kale, cabsida ugu weyn oo ay Puntland qabto ayaa ah in maleeshiyadaasi ay dib isku uruursadaan kadibna ay qaadan weeraro lagu hoobto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]