Muqdisho (Caasimada Onlione)-Inkastoo habdhaqanka Madaxweyne Xassan Sheekh uu ka duwan yahay kan ay lahaayen Madaxweynayaashii isaga ka horeeyay ayaa waxaa hadana dhaliisha ugu badan ay tahay mid dusha loo saaray Xassan.
Madaxweynayaashii ka horeeyay Xassan Sheekh dhaqamo xun kulama aysan dhaqmi jirin dadka shacabka, Xassan iyo ilaaladiisa waxa ay maalin waliba dhibaato ku hayaan shacabka, kadib markii ay caqabad ku noqdeen shaqooyinka ay aadi lahaayen shacabka Muqdisho.
Waxaa dhacda in xiliyada Xassan Sheekh uu ka safraayo magaalada Muqdisho aysan shacabku aadin goobahooda shaqada, sababo la xiriira habdhaqan xumida Ciidamada ilaalada gaarka u ah Xassan Sheekh.
Hoos ka akhriso qodobo laga sameeyay dhibta ay Xassan Sheekh iyo ilaaladiisa ku hayaan dadka shacabka ah:
1- Xiliyada uu safraayo Xassan Sheekh Maxamuud oo gabi ahaan la jaro wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho.
2-Ilaalada Xassan Sheekh oo rasaas ku fura dadka shacabka ah xiliyada ay marayaan wadooyinka.
3-Ciidamada Xassan oo qaab faquuq iyo naceyb leh kula dhaqmo shacabka wata gaadiidka, taasi oo ka dhigan in wadooyinka uu leeyahay Xassan islamarkaana aysan jirin cid kula xisaabtameysa.
4-Xassan Sheekh oo aan diyo iyo raali galin toona ka bixin shacabka ay dilaan ilaaladiisa iyo gaadiidka ay wataan.
5-Gaadiidka gaarka ah ee Xassan Sheekh oo dhowr jeer wadada Makka Al-mukarama ku dilay dad shacab ah, balse waxa ay halkaasi uga dhaqaajiyeen Meydka iyaga oo aan xitaa goobo caafimaad geynin.
6-Xiliyada uu Xassan Safraayo oo wadooyinka loo xiro 4 saac ka hor inta uusan Madaxtooyada kasoo bixin.
7-Xiliga uu Xassan Sheekh Safraayo oo aan inta badan Muqdisho laga shaqo tagin maadaama ay ilaaladiisa xirtaan dhammaan wadooyinka ay adeegsan lahaayen dadka shacabka ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]