25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

XOG: XAWAADLE oo CC oo hordhigay xujooyin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa ilaa xalay kulamo kala duwan la lahaa odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiraan isaga oo doonayay in reer Hiiraan ku qanciyo ka qeyb galka shirka magaalada Jowhar.

Wasiirka arimaha gudaha oo kusugan Beledweyne ayaa markii uu u caalwaayay odayaasha dhaqanka Hiiraan wuxuu u yeertay ra’iisul wasaaraha dalka, waxaana xalay magaalada ka dhacay kulamo aan la isku fahmin.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ee Xawaadle ay soo hordhigeen ra’iisul wasaaraha xujo ah iney shirka kaga qeyb galayaan gobolka Hiiraan oo labo gobol ah.

Nabadoon Waasuge oo kamid ah waxgaradka Hiiraan ayaa si cad u sheegay iney iska dhicinayaan wax walbaa oo aan u wanaagsan ummada Hiiraan ayna aqbali doonaan waxyaabaha danta ugu jirto shacabka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ra’iisul wasaaraha ay u dhow dahay iney isfahmaan iyadoo uu sheegay iney kulamo la qaateen , maantana kulamo kale ay ka dhaceen magaalada Beledweyne.

Wasiir Odowaa ayaa laga carooday kadib markii wasaaradiisa ay diyaarisay qorshe aan u cuntamin Odayaasha dhaqanka ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News