Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ah Guddoomiye ku-xigeen Gudiga Dastuurka BFS oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay ku fashilantay qorshihii lagu diyaarinaayay Doorashada dalka.
Xildhibaan C/llaahi Sheekh, ayaa sheegay in wakhtiga ka harsan Doorashada dalka uu yahay mid aad u yar islamarkaana Dowladu ay gashay jawi mashquul oo aan sal ku laheyn u diyaar garowga Doorashada.
Xildhibaan C/llaahi Sheekh waxa uu sheegay in iminka aysan u muuqan qorshooyinkii la xiriirat u diyaar garowga doorashada, waxa uuna carabka ku dhuftay in ay sabab u tahay arintaasi in Madaxda ugu saraysa dalka ay ku mashquulsan yihiin Safaro dhanka dibadda ah oo aan xiligaani faa’iido u aheyn dalka.
Waxa uu tilmaamay in safarada iyo soocdaalka wakhti dhameyska ah ay muujineyso in laga jeestay misna leyska indha tiraayo waxa ku qoran Dastuurka dalka ee madaxda faraaya in wakhtiga aan la dayicin xili ay fooda nagu soo heyso doorashada.
Sidoo kale, Xildhibaan C/llaahi Sheekh oo sii wata wareysigiisa ee Idaacada SMN ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan qudhiisa uu dayacay mas’uuliyadii ka saarneyd u shaqeynta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.
Geesta kale, Xildhibaan C/llaahi Sheekh, ayaa ku taliyay in wakhti munaasab ah wax laga bedelo qaabka ay iminka u dhaqmayaan Madaxda dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

