Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysnaa ayaa afduubtay Dareewalka wada Gaariga Khaaska ah ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Federalka.
Afduubka darawalka ayaa waxaa ku kacay rag ku labisnaa dareeska Ciidamada, waxa uuna afduubkaasi ka dhacay Isgoyska Degmadda Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Kooxdaasi ayaa qafaashay Darawalka iyo gaarigiisa waxa uuna qasdigooda ahaa in Agaasimaha ay la afduubtaan, hayeeshee ma aheyn mid xiligaasi saarnaa gaarigiisa.
War aan la hubin ayaa sheegaya in Darawalkaasi ay qabteen Ciidamada Nabadsugida oo ka shakiyay, balse baaritaan degdeg ah kadib dib la soo daayay.
Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Abuukar Subeyr, ayaa goordhow xaqiijiyay in Dareewalkiisa la soo daayey.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

