Kismaayo (Caasimada Online) – Tan iyo markii Axmed Madoobe uu soo dhisay baarlamaanka maamulkiisa ayna bilowdeen barlamaanka kulamadiisa waxaa Axmed Madoobe uu u gudbiyay afar codso oo ku aadan dhismaha golaha wasiirada maamulkiisa.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in caqabado badan ay heysteen oo keentay in dib u dhac uu ku yimaado soo xulida golaha wasiirada maamulka Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu wado qancinta beelaha qaar ee wax ka tabanaya maamulka Jubbaland iyo sidii ay ugu qeyb noqon lahaayeen ayagoo qanacsan maamulka Jubbaland.
Waxa uu sidoo kale sheegay in iyadoo ay jiraan beelo aan ku qanacsaneyn maamulka Jubbaland aan lagu dhawaaqi golaha Wasiirada maamulkaasi Jubbaland.
Axmed madoobe ayaa tilmaamay in uu wado la tashiyo iyo qancinta beelaha qaar ee wax tabanaya.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe” ay Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ugu dareen waqtiga uu ku soo magacaabayo golaha Wasiirada maamulkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

