Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Dowlada Talyaaniga ee ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia, ayaa bilaabay inay usoo baxaan banaanyada xili tan iyo markii ay xarumo ciidan ka sameysteen Somalia ay ahaayen keliya kuwo ku nagaada xarumahooda.
Wadooyinka qaar ee magaalada ayaa waxaa xiliyada qaar lagu arkayaa Ciidamo Talyaani ah oo wata gaadiidka gaashaaman kuwaasi oo dhex yaacaya magaalada Muqdisho.
Ciidamadaani ayaa xarumo ciidan ku dhex leh Xarunta weyn ee Xalane waxa ayna yihiin kuwo xiliyada qaar ka qeybqaata howlgalada looga maarmi waayay ee ka dhaca magaalada Muqdisho.
Ciidamadaani ayaa tiradooda rasmiga ah waxaa lagu sheegay 220 askari, waxaana Taliyahooda ugu sareeya la yiraahdaa Generale Massimo Mingiardi.
Ciidamadaani ayaa sidoo kale ku sugan kaliya magaalada Muqdisho, waxa ayna dalka ujoogaan qorshooyin gaar oo aan la garaneynin xiliga uu soo dhamaan doono.
Dowlada Somalia ayaa dhowr jeer oo sii horeysay beenisay in Somalia, ay joogaan Ciidamo Ajnabi ah oo aan aheyn AMISOM.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA







