25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Video: Nin jirkiisu aysan xabadu karin (Mucjiso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kareem Cabdi Feysal Xuseen, waa nin u dhashay dalka Masar da’diisana waa 38 jir, waxa uu kasoo jeedaa deegaanka (Asyuudh), sidoo kale waxa uu ka dhashay qabiilka lagu magacaabo Al-hilaayil, qabiilkaasoo caan ku ah xooga.

Kareem asigoo 8 jir ah ayaa si mucjiso ah waxa uu naftiisa dareemay asigoo calaajinaya cunayana dhalooyinka iyo Sakiinta kuwaasoo sida sokorta oo kale afkiisa ugu milmaya.

Kareem mar uu wareysi gaar ah siinayay TV-ga Al-arabiya, waxa uu sheegay sidoo kale inuusan seexan habeenki oo dhan.

“Tan iyo maalinkii aan dhashay hal habeen maan hurdin, laakiin kis yar ayaan nastaa badalka hurdada masa badna” ayuu yiri Kareem.

Kareem sidoo kale waxa uu sheegay inuusan dhib dareemin marka jirkiisa ay rasaas ku dhacdo, sidoo kale jirkiisa dabka ma karo.

Kareem markii ugu horeeysay ee uu awoodiisa dareemo waxay ahayd markii uu 8 jirka ahaa, ayaa asigoo caano cabaya waxa bur buray koobkii gacantiisa kujiray, kadibna koobkii ayuuba calaajiyay sidii asigoo sokor cunaya oo kale.

Dhaqaatiir baaritaan ku sameeyay, ayaa xaqiijiyay in Kareem uu leeyahay 2 wadno,2 beer iyo 4 kiliyo, sidoo kale waxay sheegeen in maskaxdiisana aysan caadi ahayn, sidoo kale dhaqaatiirtu waxay xaqiijiyeen in jirka Kareem uu ka sameysanyahay balaastik islamarkaasina aysan xabadu kareeynin waana lagu baroobeeyay rasaas mana karin.

Awooda uu leeyahay Kareem, ayaa waxaa lagu sheegay ineey u dhiganto 360 Faras.

Halkaan ka daawo Muuqaalka Kareem:

- Advertisement -

Read more

Local News