Nairobi (Caasimada Online) – Bangiga Adduunka, ayaa ka hadlay qaabka ay Dowlada Somalia u maareyso dhaqaalaha soo gala Dowlada, xili dhawaan uu Bankiga ballanqaaday bixinta Mushaaraadka Ciidamada muddo 5-sano ah.
Hugh Riedel oo ah wakiilka Bangiga Adduunka u qaabilsan Somalia, ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay iminka xooga saareyso amaanka dalka, waxa uuna Mr Hugh Riedel sheegay in kala bar dhaqaalaha soo gala Somalia xiligaani lagu bixiyo amaanka.
Hugh Riedel waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in Dowlada Somalia ay ku taameyso Somalia oo amni iyo kala danbeyn leh, waxa uuna farta ku goday in dhaqaalaha intiisa badan loo maareeyo sidii loogu tallo galay islamarkaana amniga la siiyo inta ugu badan dhaqaalaha.
Dhaqaale kordhin ayuu sheegay in loo sameyn doono Somalia, waa haddii xaalada amni ay kusii socto qaabka iminka uu yahay misna uu intaa kasii wanaagsanaado amniga, sida uu hadalka u dhigay.
Somalia ayuu sheegay inay kasoo bogsaneyso dhibtii ka dhalatay amni la’aanta iyo xasilooni daridii Somalia ka jirtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.
Hugh Riedel waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in Somalia ay kasoo kabaneyso dhaqaale xumidii jirtay, waxa uuna rajo ka muujiyay in Somalia wakhtiga dhow ay isku filnaan doonto.
Mr Hugh Riedel waxa uu sidoo kale tilmaamay in dhaqaalaha soo gala DFS 45% xiligaani loo adeegsado dhanka amaanka, halka 41% lagu kharaj gareeyo adeegyadda Maamulka, sida uu hadalka u dhigay.
Kharajka adeegyada Bulshada ayuu sheegay in wixii intaani ka danbeeya ay mudan tahay in xooga la saaro, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay kordhinta garab istaaga Bankiga ee DFS.
Bankiga dhexe ee Somalia, ayuu sheegay in wakhtiga lagu jiro uu awood buuxa u leeyahay maareynta Hantida Qaranka, waxa uuna ku taliyay in la kordhiyo isla xisaabtanka si uu yiri loo dhameystiro inta harsan.
Si kastaba ha ahaatee, Mr Hugh Riedel ayaa Dowlada Somalia ku amaanay qaabka ay xiligaani u maareyso dhaqaalaha kasoo baxa dalka iyo kan laga helo saaxiibada Caalamka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

