27 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

qarax ka dhacay masjid ku yaalla BELEDWEYNE

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay Bam gacmeed ku weerareen Masjid ku yaalla magaalada Baladweyne.

Bam gacmeedka ayaa waxaa lagu weeraray Masjid ku yaalla Xaafada Howl wadaag ee magaalada Baladweyne, waxaana lasoo sheegayaa in weerarkaasi ay ku dhinteen ilaa 2 ruux oo kamid ahaa dadka ku cibaadeysanaayay masjidka.

Weerarka Bamka ahaa ayaa waxaa sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray ilaa 7 ruux oo iyaguna kamid ahaa dadkii ku sugnaa masjidka, iyadoo Qaraxa kadib ay halkaasi gaaren Ciidamada Amaanka maamulka.

Xiliga Qaraxa lagu weeraraayay Masjidka ayaa waxa ay dadku ahaayen kuwo kasoo baxay Salaada Cisho, waxaana halkaasi ka baxsaday Kooxihii falkaasi geystay.

Waxaan jirin cid loo soo qabtay weerarkaasi iyo Cid sheegatay, waxa uuna weerarkaani muujinayaa amni darida magaalada Beledweyne kusoo badaneyso tan iyo markii ay kala jabeen Odayaasha Gobolka Hiiraan, iyadoo ay xusid mudan tahay in maanta halkaasi uu ka dhacay Dagaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News