Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo hogaaminaaya Ra’isul wasaaraha dalka, Danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyi jirey waddanka Somalia, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Puntland ayaa gaaray Garoonka Diyaaradaha Garowe.
Mas’uuliyiintaani ayaa kormeray Garoonka Caalamiga ah ee diyaaradaha ee Garoowe oo xilligaasi ay kasocotey hawlihii dhismaha Garoonkaasi oo meel wanaagsan maraya.
Mas’uuliyiintaani ayaa qadar yar un ka hor kasoo baxay shir looga hadlaayay 4.5 oo ay isku khilaafsan tahay Dowlada Somalia iyo Maamulka Puntland.
Shirka oo leysku mari waayay kadib ayaa waxa ay xal u arkeen inay kusoo luga baxsadaan Garoonka ay dhismaha ka socto.
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa Wafdiga iyo kuwa Saaxiibada la ah Somalia ka iibinaaya howlaha dhismo ee ka socda deegaanada maamulka.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA























