Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya Odayaasha kasoo horjeeda qaadashada nidaamka 4.5, waxaana arrintaani si adag uga dhiidhiyay Odayaal dhowr ah oo kasoo kala jeeda deegaanada Puntland iyo deegaano kale oo ka tirsan dalka.
Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo ka tirsan waxgaradka Gobolka Mudug ee kasoo jeeda Galmudug, ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aad uga xun yahay in Somalia dib loogu celsho nidaamka Qabiil jecleysiga ah.
Nabadoonka ayaa sheegay in nidaamka 4.5 uu yahay mid xaaraan ah, islamarkaana uu aaminsan yahay inay xaaran tahay cid waliba oo ku dhiirata in nidaamkaasi qaabka gumeysiga ah lagu sii maamulo dalka.
Isaga oo u waramaayay warbaahinta Puntland, ayaa waxa uu sheegay inuu ka digaayo nidaamka 4.5, waxa uuna farta ku goday in nidaamkaasi lagu qasbaayo Umadda Soomaaliyeed islamarkaana ay wataan shaqsiyaad gaar ah oo aan ka fakireynin aayaha Somalia.
Waxa uu sheegay in nidaamkaasi uu yahay mid u gaar ah shaqsiyaad ka tirsan Dowlada Somalia oo doonaaya inay u adeegsadaan dib ugu soo laabashada madaxtinimada dalka, waxa uuna carab dhabay in Somalia aysan ka bixi karin nidaamkaasi.
”Waxaan la yaabaneyn dadka soo hindhisay 4.5 waxaase kasii daran kuwa ku dhiiranaaya in Somalia lagu sii maamulo nidaamkaasi, waxaan qabaa inuusan jirin qabiil bar ah, waxaan nahay ummadda Nabi Muxamed NNKH mana jirto cid cid kasaraysa ilaahay halaga baqo hana laga gudbo qabiilka iyo qabyaalada”
”Ra’isul wasaaraha iyo madaxda kale ee ku dhaqan Puntland waan uga digayaa inay dadka ku cadaadiyaan nidaamkaasi”
Dhanka kale, haddalka Cali Diiriye waxa uu imaanayaa iyadoo Dowlada Somalia ay dooneyso in dadka kasoo jeeda Puntland ay ku qanciso 4.5, inkastoo reer Puntland ay kasoo horjeedan arrintaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

