Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub ee tamarta iyo atoomikada ayaa waxaa aay kala saxiixdeen heshiis aanan loo marin wado sharci ah, isla markaana ka dhigi doona xeebaha Soomaaliya qashin qub lagu shub haraaga qashinka nukliyeerka.
Heshiiskan oo Labada dhinac aay doonayaan in aay xoojiyaan xiriirka saaxibtinimo iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub. Heshiiska waxaa kale uu siinayaa Midowga Yurub qeytiisa Tamarta iyo Atoomigada in si sharci ah aay ugu sameeyaan wixii aay rabaan.
Heshiiskan oo lagu saxiixay bishii May 10, 2015 magaalada Brussels ee dalka Beljimka, uuna faafiyey webska Somali Agenda ayaa waxaa saxiixay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ku Xigeenka ururka Midowga Yurub ee dhinca arrimaha dibadda iyo ammaanka. Heshiiska ayaa sidoo kale siinaya diblomaasiyiinta Midowga Yurub xasaanad iyo xuquuq buuxda.
Soomaaliya ayaa hoy u noqotay suuq lagu qubo qashinka haraaga sunta shirkadaha laga leeyahay Yurub. Waxaa dad badani aay is weeydiinayaan ujeedada ka danbeysa heshiiskan iyo haddii Madaxda Dalka aay ku saxiixeen laaluush.
Waxaa haddaba looga fadhiyaa in Baarlabaanka iyo Xukuumada Soomaaliya aay war buuxa aay ka bixiyaan ujeedka loo saxiixay heshiis noocan, iyo mowqifka laga leeyahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku saxiixan heshiiskan, ayaa looga fadhiyaa in uu ummada Soomaaliyeed ka qanciyo in uu saxiixo heshiis noocan ah, kaasoo qatar gelinaya caafimaadka dadka Soomaaliyeed meel walbo aay Soomaaliya ka joogaan.
Wasiirka Deegaanka JFS ayaa bishii Janaayo 14, sanadkan 2016 u saxiixay shirkad lagu magacaabo Chinook Urban Mining in aay ku qubi karaan badda Soomaaliya 1.5 Milyan oo tan oo ah qashinka haraaga nukliyeerka ah.
[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/03/Signed-Establishment-Agreement-between-Somalia-and-EU-1-1.pdf” width=”1180″ height=”1600″]
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

