27.4 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

RW CC, Olgen Baker iyo Gaas oo goordhow kulmaaya & Sharmaarke oo cabasho afka furtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali iyo Danjire Olgen Baker, ayaa kulan aan caadi aheyn kuwada qaatay madaxtooyada Garoowe.

Kulanka oo ahaa mid daba socday kulamadii lagu dhex dhexaadinaayay Xukuumada Somalia iyo maamulka Puntland, ayaa waxaa diirada lagu saaray Siyaasada loo adeegsan lahaa Puntland bacdamaa ay ad adeeg muujineyso, islamarkaana ay ogoshahay in wada xaajood laga galo 4.5.

Sharmaarke waxa uu Danjire Olgen Baker u sheegay in mudada uu ku sugan yahay garoowe uu maamulka iyo Odayaasha kala kulmay wajiyo dhowr ah, waxa uuna tilmaamay inaysan fogeyn Puntland balse ay jiraan shaqsiyaad qasaaya Siyaasada labada dhinac.

Sharmaarke waxa uu sheegay in Dowlada Somalia aysan diidaneyn in gorgortan lala galo Puntland, balse Puntland ay tiigsaneyso qodobo aan suuragal aheyn.

Sharmaarke waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in Turkiga ay soo gunaanudo Khilaafka taagan, waxa uuna tilmaamay in nasiib daradu ay tahay in Soomaalidu aysan heshiin karin.

Danjire Olgen Baker oo ka duulaaya dalabka iyo cabashada Ra’isul wasaare Sharmaarke ayaa waxaa lagu wadaa in maanta Madaxtooyada Puntland uu ka dhaco kulan ka duwan kuwii hore oo lagu gorfeyn doono qodobada ay labada dhinac kala heystaan iyo qaabka ugu sahlan ee Puntland looga qancin lahaa.

Ma cadda go’aanka kasoo bixi doona kulanka maanta ka dhici doona Madaxtooyada Puntland ee u dhexeyn doona Sharmaarke, Gaas, Olgen Baker iyo Xubno kale.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News