Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar Bam-baano oo lagu qaaday Masaajid ku yaala xaafadda Hawlwadaag ee Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Waxaa soo baxaaya warar kala duwan oo weerarkaasi ku saabsan waxaana lasoo warinayaa in tirada weerarkaasi ku geeriyootay uu iminka gaaray ilaa Seddex ruux oo midi uu yahay wadaad caan ka ah magaalada Beledweyne.
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Masjid la sheegay in ay ku cibaadeystaan Takfiirka waxa uuna iminka dhaawaca gaaray 15 ruux oo ay ku jireen kuwo xiligaasi ku howlanaa dukashada salaada sunno.
Dadka ku dhaawacmay Qaraxa ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,kuwaas oo Xaaladooda Caafimaad halkaa lagula Tacaalayo.
Maamulka Isbitaalka Baledweyne ayaa sheegay in Dhaawacyada loo keenay qaarkood ay qabaan Dhaawacyo aad u daran.
Saraakiisha Booliska iyo Maamulka Baledweyne, ayaan wax war ihi ka soo saarin qaraxa dhimashada iyo dhaawacab sababay ee ka dhacay Xarunta Gobolka Hiiraan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

