27.6 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Salaad Cali oo si layaab leh mar kale uga hadlay arrin ka dhextaagan DF Soomaaliya iyo Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, ayaa ku taageeray Xukuumada Puntland hal arin oo ay diidmo adag ka muujiyeen, taasi oo ah nidaamka 4.5 oo Puntland ay horay u diiday inay qaadato, welina ay diidan tahay.

Salaad Cali oo u waramaayay mid kamid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxtooyada Somalia ay maslaxadeeda ka hor marisay tii shacabka Soomaaliyeed waxa uuna sheegay Umadda Soomaaliyeed lagu cadaadinaayo nidaamka 4.5.

Salaad Cali Jeelle waxa uu ku adkeystay in Puntland ay ku saxan tahay inay iska diido qaadashada Nidaamka 4.5, islamarkaana uu ku taageeraayo arintaasi, isaga oo sabab uga dhigay in nidaamkaasi uu caqabada ku yahay Horumarka iyo Guulaha ay gaari laheyd Somalia.

”Nidaamka 4.5 micmihiisu waxa uu yahay Umadda Soomaaliyeed hala sii kala fogeeyo anigu waxaan u arkaa in nidaamkaasi uu yahay mid madaxa leysugu galinaayo Beelaha Soomaaliyeed”

”Waxaan qabaa in Puntland ay ku adkeysato diidmada 4.5 xaq ayey u leedahay inay iska diido nidaamka 4.5 sababtoo ah waxaan waa wax horay u socod waxna waa gadaal u socod 4.5 waa gadaal u socod, umadaan waxa ay rabtaa horay u socod waaye.”

Isaga oo hadalka sii wata Siyaasi Salaad Cali Jeelle, wuxuu daboolka ka qaaday Xukuumadda hada dhisan ee ka shaqeysa Somaliya inaysan ku dhisneyn nidaamka 4.5, balse ay ku dhisan tahay Koox Diimeed sida uu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaare Cumar oo iminka ku sugan magaalada Garoowe ayaa isku dayaya in Puntland uu ka dhaadhiciyo qaadashada nidaamka 4.5, xilli Puntland ay ku adkeysanayo in doorashada lagu saleeyo hanaan deegaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News