Jowhar (Caasimada Online) – Wabiga Shabeele ayaa markii ugu horeysay biyo keenay tan iyo markii uu guray wabiga bishii lasoo dhaafay.
Biyaha ayaa waxaa laga arkay deegaano badan oo ku yaala gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana dadka ay ku farxeen biyaha uu keenay wabiga.
Wabiga Shabeele ayaa waxaa biyo xereen looga sameeyay deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Biyahana waxaa ku tiirsan kumanaan ruux oo ku nool deegaanada ku teedsan wabiga Shabeele kuwaasi oo tacab iyo cabid-ba u adeegsada biyaha.

Caasimada Online
xafiiska Jowhar
[email protected]

