Garowe (Caasimada Online) – Waxaa shirar kala duwan ay ka soconayaan magaalada Garowe gaar ahaan madaxtooyada Puntland kuwaasi oo u dhaxeeya madaxda beesha caalamka ee kusugan magaalada Garowe kuwaasi oo maanta tagay.
Wafdi ka socdo imaaraadka carabta,AU, EU, IGAD, UN, Ethiopia iyo dalal kale ayaa ku sugan magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, waxaana siyaabooyin kala duwan ay ula kulmeen madaxweyne Gaas.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Garowe ayaa sheegay in madaxweyne Gaas uu ka carooday qoraal hordhac ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya oolagu bogaadiyay aqbalida Puntland ee nidaamka 4.5.
Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya Tedos Adhanam ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana xigay kulamo kale oo dhexmaray safiirada tagay Garowe iyo madaxweyne Gaas.
Wararka aan ka heleyno magaalada Garoowe ayaa sheegay in madaxweyne Gaas uu ka biyo diidan yahay saxiixida hishiiska haddii beesha caalamka aysan dhankooda saxiix ku laheyn hishiiska, maadaama heshiiska uu aad ugu daneynayo Puntland uuna ka baqayo in dowladda ka baxdo.
Beesha caalamka ayaa dooneysa inay goob joog un ka noqoto, hase yeeshee Gaas ayaa doonayaa inay dhinaca ka saxiixaan heshiiska, waana taas sababta muranka dhalisay, kadib xujadan cusub ee Gaas, oo markiiba horeba asaga loogu daneeyey heshiiska.
Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

