Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa si weyn u dhaliilay hishiiskii ay kala saxiixdeen dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, kaasi oo dhigayay habka doorashada dhamaadka sanadkaan ka dhaceysa Soomaaliya.
Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo noqday wasiirkii waxbarashada Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in hishiiskii Garowe uu ku saxiixay Madaxweyne Gaas inuu ahaa mid lagu qiyaamay shacabka Puntland.
Siyaasiga wuxuu ku dhaliilay Gaas inuu markale hore afti ka qaaday shacabka deegaanada Puntland, laakiin markii dambe uu kaga baxay balamo badan oo uu ka qaaday reer Puntland oo ay ugu horeyso inuusan u qaadi doonin 4.5.
“Gaas Qiyaano ayuu sameeyay, shacabka ayaa afti laga qaaday, haddana waxaay u cuntamin ayuu u qaaday shacabka Puntland, mana la aqbali karo”ayuu yiri Siyaasiga.
Siyaasi Cali Xaaji Warsame, ayaa kamid ah siyaasiyiinta Puntland ee sida weyn u dhaliilsan nidaamka 4.5, kuwaasi oo danahooda ka waayay Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

