27.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

RUWAAYAD CAJIIB AH: Xaqiiqda qaraxyada la sheego in lagu fashiliyo magaalada MUQDISHO!!

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Nabad sugida Soomaaliya ayaa bishii Marso 29 Muqdisho ku qabtay gaari la sheegay in lagu soo buuxiyay waxyaabaha qarxo, oo lasoo dhigay nawaaxiga Madaxtooyadii Hore ee Cabdi Qaasim, gaarigaas oo ahaa nooc Kaarib ah.

Sidoo kale waxaa Bisha April 4 ay ciidanka NISA ku qabteen baar ku dhow xabsiga godka Jilicow gaari kale oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Haddaba, Caasimada Online ayaa xog muhiim ah ka heshay qaar ka mid ah saraakiisha NISA oo sheegay in dhammaan qaraxyada la qabtay ay ahaayeen kuwa ay NISA diyaarisay, oo qorshe gaar ah laga lahaa.

Saraakiisha NISA ee la soo xiriirtay Caasimada Online ayaa noo sheegay in aanay ahayn falal loo dulqaadan karo in laga been abuuro wax qabad aan jirin, kaasoo laga rabo oo kaliya in TV laga duubo iyo xoogaa lacag ah oo uu ku bixiyo taliyaha NISA General Tuuryare, oo isu muujinaya nin waxqabad weyn haya.

Waxaa ay noo sheegeen saraakiisha NISA “Maxaa loo arki waayay halka lagu qarxiyay qaraxyada la qabtay?, Maxaa loo arki waayay in la soo xiro dadkii lahaa baabuurta la qabtay maadaama la yaqaan taargada baabuurta?

Saraakiishan ayaa si carro badan ku jirta uga hadlay nin oday ah oo ay ciidanka NISA ee qeybta isgoyska dabka ay qarax been been ah ugu xireen gaarigiisa oo lagu qabtay isgoysa Sayidka, 29-kii Maarso, taasoo ay ku sheegeen in ay tahay arrin ka baxsan nidaamka ciidanka. Haddii qaraxa uu ugu xirnaase maxaa loo sii daayey shaqsiga waday gaariga oo loo xiri waayay, si loo wareysto?

Saraakiishan ayaa wacad ku maray in ay shacabka Soomaaliyeed aay u sheegi doonaan falalka guracan oo lagu marin habaabinayo shacabka, oo ay wadaan xubno ka tirsan NISA.

Inta badan marka ay Muqdisho qaraxyo ka dhacaan, waxay NISA sheegtaa in qaraxyada dhaca ay ka badan yihiin kuwa ay ka hortagaan ama ay fashiliyaan, waana taas sababta ka dambeysay baabuurtan tirada badan ee maalmihii tagay la sheegayey in la qabtay, sida aan xogta ku helnay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

gaari7 gaari5

 

- Advertisement -

Read more

Local News