27.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Xog: Ethiopia oo siyaasada Soomaaliya u gacan gelineysa PUNTLAND (Qorshe cusub oo socda)!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa wada qorsho cusub oo Siyaasada Somalia loogu gacan galinaayo Puntland, waxa ayna Ethiopia ku taameysaa in Madaxweynaha Cusub ee Somalia uu noqon doono Siyaasi kasoo jeeda Beesha Daarood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia ahna Guddoomiyaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee urur goboleedka IGAD Dr. Tedros Adhanom, ayaa ballanqaad gaar ah u sameeyay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo C/raxmaan Faroole.

Ballanqaadka Tedros, ayaa ah mid ku saleysan in Dowlada Ethiopia ay garab siin doonto musharaxa ka imaan doona dhanka Puntland ee u tartami doona Kursiga Qaranka.

Tedros waxa uu sheegay in Afarta sano ee soo socta ay tijaabin doonaan Daarood, waxa uuna si gaar ah Farta ugu fiiqay in Xilkaasi ay u carbin doonaan C/raxmaan Faroole, inkastoo uusan si gaar ah u faramuuqin shaqsi.

Mr Tedros, waxa uu ballanqaaday in cida ay wakiishaan Puntland ay Doorashada dhici doonto ilaa heer ka gaarsiin doonaan, waxa uuna si dadban u sheegay inaan jirin cid ka mudan Puntland in Xilkaasi ay qabato, sida aan xogta ku helnay.

Ethiopia ayaa lagu wadaa in Musharaxa ay wadato Puntland ay ka caawiso dhinacyo badan oo ay ugu horeyso dhaqaalaha iyo Siyaasada, waxaana xusid mudan in Dowlada Ethiopia ay miisaan Siyaasadeed ku dhex leedahay Somalia.

Ma cadda sida Puntland ay u oofin laheyd axdiga ay wada galeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News