25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

XOG Villa Somalia oo ka arrinsaneysa Qodobada lagu kala saxiixday Garoowe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in halkaasi ay kulamo gaar gaar ah ku yeelanayaan Madaxda dalka kaasi oo looga arrinsanaayo qodobada qaar ee lagu kala saxiixday magaalada Garoowe.

Shirarka gaar gaarka ah ayaa ujeedkiisa ah in lagu saxo misna leysku weydaarsado aragtida la xiriirta dhammaan qodobada lagu saxiixay Garoowe, xili Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud uu sheegay in ka fiirsasho ay u baahan tahay qodobada qaar, isaga oo sheegay in qodobadaasi ay noqon doonaan kuwo qabyo qoraal ah.

Dowlada Somalia ayaa dooneysa in qodobada ay noqdaan kuwo aan waxba u dhimeynin masiirka Umadda Soomaaliyeed iyo kan Dowlada, waxa uuna shakiga ka dhashay qodobo dhowr ah oo awood gaar ah siinaaya Puntland.

Dowlada Somalia ayaa aaminsan in Puntland ay kamid tahay maamulada ka jira dalka, hayeeshee aysan waxba dheeren maamuladaasi islamarkaana ay leedahay inta xuquuq ah oo ay leeyihiin maamulada kale.

Shirarka ka socda Villa Somalia ayaa looga doodayaa is barbar dhiga qodobada qaar, walow Villa Somalia qudheeda ay ogtahay in Heshiiskaasi uu yahay gaari dhinac u raran.

Ma cadda sida laga yeeli doono shakiga yar ee iminka ay DFS ka muujineyso qodobada qaar, waxaana suuragal ah in kulan labaad ay arrintaani ka yeeshaan Dowlada iyo Maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News