Muqdisho (Caasimada Online) – Ujeedka iyo Xikmada uu leeyahay Sawir Gacmeedkaani ayaa ah inaan leys barbar dhigi karin Ciidamada dalka u dhashay iyo kuwa AMISOM ee Somalia ku jooga qaabka Mashruuca ah.
Ciidamada AMISOM ayaa xiliyada leysugu tago furumada dagaalka ku dhuunta gaadiidka gaashaaman, halka kuwa Soomaaliduna ay dagaalka u galaan fool-ka-fool, waxaana xaqiiq ah haddii si rasmi ah loo siiyo xuquuqdooda ay intaa kasii awood badnaan doonaan.
Ciidamada Geesiyaasha Somalia waxaa sharafta iyo Cisigooda hoos u dhigay Musuq-maasuqa ay kala kulmaan Madaxda iyo Taliyayaasha Ciidamada, waxaase hubaal ah in awood ahaan AMISOM aysan u babacdhigi karin kuwa Somalia waa haddii loo xanaaneeyo qaabka saxda ah ee ka fog musuq-maasuqa.