Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xawaadley oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa sheegaya in halkaasi ay kuwada dagaalameen Ciidamo kawada tirsan Dowlada.
Dagaalka Ciidamada kawada tirsan Dowlada ayaa imaaday kadib markii uu soo kala dhexgalay khilaaf salka ku haya dhaqaale qeybsi.
Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen ilaa Seddex Askari oo labada dhinac kawada tirsanaa.
Ciidamada ku dhaawacmay dagaalka ayaa waxaa la dhigay isbitaalka ku yaalla magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Balcad ayaa gaaray deegaanka Xawaadley isla maanta sida la sheegayo kuwaas oo halkaasi utagay dhex dhexaadinta ciidamada dagaalamay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]